4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2020
Madaxweyne Farmaajo “ waa in cid kasta oo Soomaaliya maamuus gaara siisaa maalmaha xorriyadda”
 

Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan maamuuska maalmaha xoriyadda qaranka Soomaaliya oo berri billaabaneysa.

Waxa uu ugu baaqay in shaqsi walba oo aaminsan aragti muxaafad iyo mid mucaaradba uu weyneeyo maalmaha xorriyadda oo qiima mug leh ugu fadhisa muwaadinka Soomaaliga ah .

"Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay weyneynta maalmaha xorriyadda.

Soomaaliya waxay u dabaal-degeysaa maalmaha xorriyadda oo berri ka billaabmeysa xilli weli dad badan ay dareemayaan amni darro, 2.6 milyan oo ruuxna ay ku jiraan xeryaha barakaca ah ee dalka .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]