4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Bangiga SomBank oo heshiis la saxiixday shirkad caalami ah


Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Bangiga SomBank ayaa heshiis la saxiixday shirkadda Temenos oo ka shaqaysa howlaha horumarinta softaweerada ee ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah bangiyada caalamka.

Xaflad lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Bangiga iyo shirkadda waxa ay ku kala saxiixdeen qandaraas lagu kobcinaayo adeegyada Bangiga uu u qabto ummada Soomaaliyeed.

Adeegyada ay shirkadda ka caawin doonto Bangiga ayaa waxaa mid ah adeegga qaybta mobillada ee macaamiisha ku xiran Bangiga.

Madaxda ka kala socotay laba dhinac ayaa qalinka ku duugay heshiiskan ogalaanaya in Bangiga uu wadashaqayn la yeesho shirkadda, ayna ka caawiso horumarinta adeegyada.

Warsaxaafadeed  ay si wadajir ah u oo saareen labada dhinac ayaa lagu yiri Shirkaddan waxay Bangiga ka taageeraysaa in uu siiyo bulshada Soomaaliyeed adeeg tayo leh oo qiimo jaban.

“Temenos technology oo leh habka dhismaha API-da, lehna goob suuq baalaaran, waxay Sombank u fududaynaysaa isdhexmarka adeegyadda maaliyadeed iyo kuwa aan kusalaysnayn maaliyadda, taa oo ka taageerayso shaqaalaha Bangiga in ay ugu adeegaan macaamiisha qaabka online ah  iyo kuwa aan ahayn qaabka internetka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka.

Shirkadda Temenos ayaa ah mid u qidmayso in la badan 3,000 oo shirkadooda oo ay ku jiraan 41 ka mid ah 50ka bangi ee caalamka ugu sareeya, iyada oo ka caawinayaa in ay la tacaamulaan macaamiishooda.

Sidoo kale shirkadda ayaa bangiyadaas u fududayso isdhaafsiga lacagaha in ka badan 500 milyan oo macaamiil ah si maalinle ah, sida lagu xusay mareegta shirkadda.

Axmed Maxamed Aadan, Hiiraan Online