4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo ka hadashay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhigooda Muqdisho
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Bayaan kooban ayaa lagu yidhi,” Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen in dagaaalame katirsan kooxdooda uu isku qarxiyay bar ay ku sugnaayeen ciidamo tababar loo qadanayay oo ku sugnaa bannaanka hore ee xerada Turkesom.

Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogasho ku dilay ismiidaamiyaha doonayay in uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saddex qof oo ku jiray naftii haligaha ayaa ku geeriyooday falkaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]