4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Golaha Amniga oo kordhiyay waqtiga howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo waajibaadka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ilaa Agoosto 31, 2020.

UNSOM waxay sii wadi doontaa fulinta waajibaadka sida ku xusan cutubka 1aad ee qaraarka 2158 (2014), waxayna sii go’aansatay in UNSOM ay sii wado hirgalinta waajibaadkaas iyada oo la raacayo go'aan tirsigiisu yahay 2461 (2019).

Horey, Golaha Amniga wuxuu si wada jir ah u go'aamiyay bishii Maarso 30 in la kordhiyo waqtiga howlgalka illaa iyo Juun 30, 2020.

UNSOM waxaa lagu aasaasay Juun 3, 2013 qaraarka Golaha Amniga 2102, kadib qiimeyn dhameystiran oo Qaramada Midoobay ay sameysay oo lagu taageerayay dhisidda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud wuxuu Golaha Amniga si joogto ah ugu wargeliyaa fulinta waajibaadka UNSOM iyada oo loo marayo warbixinno saddex-biloodle.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]