4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Shirkii Jabuuti: Qodob cusub oo lagusoo daray heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War-murtiyeedkii shirkii Jabuuti lagasoo saaray xalay saq dhaxe ayaa lagu daray qodob aan horey ugu jirin oo ahaa kii ugu adkaa intii shirku socday.

Qodobkaan ayaa ah isu socodka dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse waxaa laga reebay isku socodka siyaasiyiinta oo ahaa qodob la isku mari waayay.

"Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]