4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Xafiiska UNSOM “Ma jirto wax xiriir ah oo Qaramada midoobe kala dhexeeya Jaamacadda United Nations Academy of Somalia (UNAS)”
 


Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook-ga ee xafiiska howl-galka Qaramada midoobe ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay inuusan jirin wax xiriir ah oo u dhexeeya Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa iyo Jaamacadda United Nations Academy of Somalia (UNAS).

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ay jiraan hab raacyo muhiim ay tahay in Ururkii doonayo inuu la shaqeeyo Qaramada midoobe amma raba inuu isticmaalo calaamadda sumadeed ee u gaarka ah ay maraan, Waxaana kamid ah in xiriir lala sameeyo xoghaya guud ee Qaramada midoobe , kadibna ogolaashiyo, sidaas darteed Jaamacaddaan aysan habkaas isticmaalin

” UNAS' ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS” ayaa lagu yiri qoraalka kusoo baxay bogga UNSOM.

Dhinaca kale waxay UNSOM qoraalkeeda ku sheegtay in hab sharci ah u mari doonto in la joojiyo isticmaalka magaca Qaramada midoobe iyo astaantaba sida ku cad warka ay sii daysay.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay 'UNAS,' mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay'adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas” ayaa mar kale lagu sheegay qoraalka xafiiska howl-galka qaramada midoobe ee Soomaaliya UNSOM.

Jaamacaddan ayaa waxaa madaxdeeda ka mid ah mas’uuliyiin horay dalka ugasoo qabtay xilalka ugu sarreeyo, waxaana la eegayaa sida ay ka war-celiyaan qoraalka kasoo baxay UNSOM.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]