4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Askar ka tirsan Militariga oo ka cabanaya mushaar la’aan sanad iyo sagaal bilood ah oo xirtay waddo laga ilaaliyo madaxtooyada qaranka
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Ciidamo ka tirsan militiriga dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa xirtay waddooyin muhiim ah oo laga ilaaliyo madaxtooyada dalka, waxayna ka cabanayaan  mushaar la’aan haaysatay muddo sanad iyo sagaal bilood ah sida ay u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta dalka oo ay la hadleen.

Askartaan ayaa xiray waddada Dal-jirka dahsoon illaa laga gaaro Xaawo-taako oo ah koontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Ciidamadaan Militriga ah ayaa waxay ka tirsanyihiin qeybta 27-aad ee ka howl-gasha maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha Ciidamadan ayaa waxaa ka muuqanayay dhiirranaan xooggan waxayna qaar kamid ah weriyayaasha u sheegeen in ay baaraan si madax-bannaan sheegashadooda dhinaca mushaarka ka maqan ah.

 

Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda gaashaan-dhigga iyo taliska sare ee ciidamada qalabka sida.

Gadoodka askartaan  ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli madaxweyne Farmaajo uu sheegay in dowladda dhexe ay bixiso mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah bil kasta .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]