4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Donald Trump oo dib usoo cusbooneysiiyay weeraradii cunsuriyadda ee Ilhan Cumar
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradiisii cunsuriyada ahaa ee ka dhanka ah Ilhan Omar, isagoo u sheegay dad badan oo taageerayaashiisa ah in haweeneyda u tartamaysa Koongareeska ay doonayso in ay Maraykanka ka yeesho sida Soomaaliya oo kale.

Isaga oo ka hadlayey isu soo bax ka dhacay Tulsa, Oklahoma Sabtidii, Trump wuxuu ku gacan seyray dadka ka soo horjeeday siyaasadiisa wuxuuna ka carooday warbaahinta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka hadlay Ilhan Cumar isaga oo si khaldan ugu sheegay magaceedii hore "El-ann" Waxa uu ka digay in haweeneyda u tartameysa Koongareeska ay qeyb ka noqon doonto maamulka Mareykanka hadii musharaxa madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden uu guuleysto November 2020.

“Waxay jeceshahay inay ka sameyso dalkeena dowlad lamid ah sida dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo aysan ka jirin nabadgelyo, booliis ka jirin, waxbana ka jirin,” ayuu yidhi madaxweyne Donald Trump.

Hadalka Trump ee Sabtidii shalay ma ahayn markii ugu horreysay ee uu u adeegsado cambaareyn cunsuriimo inuu ku dhaleeceeyo Ilhan Cumar.

Sannadkii hore, Trump wuxuu sidoo kale dib u soo dhigay fiidiyowga Ilhan Cumar oo ka ciyaaraysay munaasabad ka dhacday Kongareeska Black Caucus 13-kii Sebtember, isaga oo si been abuur ah u sheeganaya inay ku faraxsan tahay sannad-guuradii weerarkii 9/11.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]