4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay  dagaal ka dhacay deegaanka Dug-wariiri oo hoostaga degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sida lagasoo xigtay saraakiil sare oo militiriga ah weerarka ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa waxa uu lahaa bartilmaameed ujeeddadiisu aheyd in lagu hortago weerarro hoobiyayaal ah oo lagusoo tuuri rabay degmada Jannaale.

“Waxaan helnay xogta weerarka hoobiyayaalka ah , kadibna dagaal ay ciidamada dowladda la galeen Alshabaab, waxaan dilnay 2 saraakiil u ahaa Alshabaab 27 dagaallame”  ayuu warbaahinta u sheegay taliyaha Ciidamada dhulka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Waxa uu sidoo kale Taliye Cabdixamiid uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka Al-shabaab oo ay doonayaan in ciidamada dowladda ay kula wareegaan deegaannada gacantooda ka maqan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]