4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Qarax ismiidaamin ah oo geystay khasaaro dhimasho oo ka dhacay Bacaadweyn
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay Al-shabaab ay qarax ismiidaamin ah ku weerareen bar ay deganaayeen Ciidamada militiriga Soomaaliya sida ay HOL u xaqiijiyeen Ilo wareed deegaanka ah .

Mas’uuliyiinta Maamulka Mudug ee Galmudug ayaa waxay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxaas oo  ay ku dhufteen gantaal xooggan gaarigaas iyo qofkii wadayba .

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in gaariga uu is-qarxiyay uu ahaa nooca Soomaalidu u taqaanno Leyla-Calawi , waxaana saarnaa xaddi badan oo qaraxa.

Dhinaca kale ma jiro war kasoo baxay madaxda militiriga Soomaaliya,  gaar ahaan taliska qeybta 21-aad oo ku aaddan wax-yeellada weerarkaas ismiidaaminta ah uu geystay.

Xogta kasoo baxayso weerarka ayaa sheegeysa dhimashada 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo qofkii watay gaariga is-qarxiyay, khaasaraha ayaa suura-gal ah inuu intaas ka badan karo.

Guddoomiyaha Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xaaladda degmada ay tahay mid deggan oo caadiya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]