5/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2020
UN: 244 kufsi ayaa sanadkii tagay ee 2019 ka dhacay Soomaaliya


 

Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Warbixin uu sii daayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya sannadkii tagay ee 2019 ay ka dhaceen 774 rabshadood oo 244 kamid ah ay yihiin falal kufsi ah.

Rabshadaha galmada ayaa la sheegay inay si xad dhaaf ah usii kordhayaan, sida lagu sheegay xuska sanadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda.

Sida laga soo xigtay U.N. qiyaastii 35% dumarka adduunka ah ayaa la kulmay rabshado galmo. Khataraha ayaa xitaa ka jira guriga. bishii Abriil  ayaa lasoo wariyay in qiyaastii 243 milyan oo dumar ah ay la kulmeen gacan-ka-hadal galmo muddo 12 bilood gudahood ah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in Kufsiga iyo falalka kale ee rabshadaha galmada inta badan aan lasoo sheegin oo aan lagu ciqaabin dalka Soomaaliya, sababta oo ah dumarka loo geysto xadgudubyada ayaa inta badan u arka ceebeyn inay soo bandhigaan.

Bishii Febraayo, Maamul goboleedka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee sharci adag oo dil ah ku fuliya dambiilayaal geystay kufsi wadareed iyo dil loo geystay gabar 12 sano jir ah sanadkii 2019.

James Swan, wakiilka gaarka ah ee U.N. ee Soomaaliya, ayaa ku booriyay hogaamiyaasha dalka iyo dadka deegaanka inay waxbadan qabtaan oo dhageystaan dhibbanayaasha iyo kuwa ka badbaaday qalalaasaha la xiriira galmada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/20/2020 1:40 PM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Itoobiya ayaa diiwaan galisay kiisaskii ugu badnaa covid19 maalin gudaheed, waxaana laga helay 399, taas oo ka dhigtay tirada guud 4,469 kiis. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, kiisaska cusub waxaa laga soo saaray baarirtaan lagu sameeyay 4,848 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.

6/20/2020 1:38 PM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Egypt ayaa ka codsatay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay soo dhex gasho muran qoto dheer oo kala dhexeeya Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Niil.

6/20/2020 9:37 AM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin ay ku saxiixanyihiin illaa 132 Xildhibaan , kaas oo la doonayo in lagu xaqiijiyo qoondada dumarka iyo kuraasta labada Gole ee Baarlamanka qaranka .

6/20/2020 9:17 AM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay madasha axsaabta qaran oo ay ku midoobeen dhowr xisbi oo mucaarad ah ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaaba lagu xusay warkaas qoraalka ah in dowladda hadda jirta ay ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah .

6/20/2020 8:43 AM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay dadaal adag ugu jiraan sidii loosoo Af-meeri lahaa colaado dhowaan ka dhacay deegaanka Aabaaley oo dhaca meel dhow xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

6/20/2020 7:30 AM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Laamaha booliiska Puntland ayaa maanta u yeeray suxufiyiin ka holwgalla Puntland, kuwaas oo lagusoo eedeeyay inay buunbuuniyayeen mudaharaad maalintii shalay ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

6/20/2020 12:50 AM EST
Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay guushii ay Kenya ka gaartay wareeggii labaad ee codeynta ee doorashadii kursiga aan joogto ahayn ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.