4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo soo gaadhey Laascaanood wadahadalna ugu baaqay bahda Warbaahinta


Talaado, June 2, 2020 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hogaaminaya wufuud kala duwan oo soo gaadhey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in ay u socdaan hawlaha COVID-19 raashin loogu talagalay dadka liitana in ay wadaan ayuu warbaahinta u sheegey.

Koore oo kormeer ku maray Isbitaalka Guud iyo Xarunta loo diyaariyey xanaanayta dadka xanuunkaasi asiibo ayaa waxa uu sheegay in ay rajeynayaan dhowaan in ay keenaan shaybaadh magaalada Laascaanood.

"Qolyaha warbaahinta ee cabanaya aniga ayaa oday u ah hadalkoodana waxaan u arkaa cabasho, aan isu nimaadno hadaan waxba u qaban waayo ha gudbaan" ayuu yidhi Koore isagoo ka hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta oo dhaliilay gudiga COVID'19.

Dhinaca kale masuuliyiinta Caafimaadka Gobolka Sool ayaa beeniyey warar baraha bulshada lagu baahiyey oo sheegaya in isbitaalka aan laga helin wax dhiig ah iyo Ambalastoona, iyagoo warbaahinta iyo masuuliyiinta kaleba ay tuseen kaydka dhiig ee haatan u yaala, walow ay dhinaca gaadiidka ambalasta sheegeen in ay ku yaryihiin.

Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa isaguna balan qaaday in ay iyaga iyo ganacsatadoodu iibinayaan hal Dooli, waxaanu Somalilandna ka codsaday in ay mid kale u iibiyaan taas oo wasiir Koore ka balan qaaday in uu jawaab ka soo celin doono.

Si kataba ha ahaatee safarka wasiirka ayaa ku soo beegmay xili ay dhibaato xoogan ka taagan tahay dadka shaqadoodii ay joojisey xanuunkan aduunka aafeeyey.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood