4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo ka heshiiyay khilaafkii ka dhaxeeyay
 

Talaado, June 2, 2020 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenkiis, Axmed Karaash.

Dhameynta khilaafkaan ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah Isimada Puntland ay dadaal xoogan ku bixiyeen in labada masuul khilaafkooda lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul, si khilaafku uusan u gaarin meel fog.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ballanqaaday inaanu mar dambe soo laabandoonin khilaaf midkaan lamid ah ismaandhaafkii dhacayna aan wax lagasoo qaadin lagana shaqeeyo amniga iyo horumarka Puntland.

Masuuliyiinta Puntland iyo guddiga dhexdhexaadinta ayaa kulanka kadib kasoo muuqday sawir wadareed bixinayay tilmaam ku saabsan heshiiska laga gaaray khilaafka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]