4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Soomaaliya oo Kenya ugu hambalyeysay guusha kursiga Golaha ammaanka
 

Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa waxa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay dowladda Kenya oo Jabuuti kaga guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn Golaha Aammaanka Qaramada Midoobe.

Waxa uuna sheegay inuu rajeynayo in Kenya ay si buuxdo u matali doonto arrimaha Gobolka geeska Afrika iyo qaddiyadaha la xiriira.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dowladda Soomaaliyeedba waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa jamhuuriyadda Kenya oo ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, anigoo hubo in Kenya ay arrimaha gobolka si fiican ugu matali doonto kursigaas Ayaan leeyahay Hambalyo” ayuu wasiir Cawad ku yiri qoraalkiisa.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya is-fahmi waa siyaasadeed, oo la xiriira arrimaha badda , taas oo keentay in labada dalba ay isku dhaliileen qoraallo diblumaasiyadeed oo ay horay usoo kala saareen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]