3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2020
Afhayeenka booliska Soomaaliya " Askarigii dilay dhowaan ninkii odayga ahaa horay ayaa dembiyo loogu haaystay "
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tafaasiil ka bixiyay howl-gallo kala duwan oo maalmihii ugu dembeeyay ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho,  iyagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhowr tuhmane oo lagu raad-joogayay oo loo haaystay dilal ka dhacay Caasimadda.

Afhayeenka ciidanka booliska dhamme Saddiiq Aadan Cali oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxo burcad ah oo dhowaan Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah darawal ka ahaa Bajaaj,  sidoo kalana ka qaatay bajaajtii.

Howl-galka lagusoo qabtay ayaa ka dhacay degmada Xamar jajab.

Dhinaca kale wuxuu tafaasiil ka bixiyay askarigii Muqdisho ku dilay dhowr maalin ka hor nin oday ah oo ganacaade ahaa, wuxuu tilmaamay in hadda uu ku jiro gacanta ciidamada,  sidoo kalana uu ahaa askari horay ugu eedeysnaa dembiyo kale.

Dhammaan dhinacyada dadkaan ay soo qabteen ayaa waxa uu sheegay in cadaaladda horkeeni doonaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/18/2020 3:03 PM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Gudida Xidhiidhinta Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida oo uu hoggaaminayay Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa maanta u doortay Ibraahim Cismaan inuu noqdo Madaxwayne ku xigeenka DDS.

6/18/2020 2:54 PM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Kenya ayaa ku guuleysatay kursiga Golaha Amniga ee UN kadib markii ay ku garaacday Jabuuti wareega labaad ee codeynta oo dhacday Khamiistii maanta.

6/18/2020 7:05 AM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - 13 maxaabiis burcad badeed ah oo ku xirnaa xabsiyo kuyaala dalka Cumaan ayaa maanta lagasoo dajiyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari (Puntland). Maxaabiistaan ayaa muddo 10 sano ah kusoo qaatay xabsiyada dalka Cumaan, kadib markii loo xukumay dambiyo burcad badeednimo.

6/18/2020 5:53 AM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, dhowr qof oo kalana way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

6/18/2020 3:23 AM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Waxaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamze waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubaland.

6/18/2020 2:00 AM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay qayb ahaan dib u furto soohdinta Kenya iyo Soomaaliya ee Lamu si loogu oggolaado kalluumeysatada iyo ganacsatada in ay dib u furaan meheraddooda.

6/18/2020 1:51 AM EST
Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay shirkii xalay kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti in uu ka turjumayo gogol xaarka wadahadalo heer sare oo dhexmara masuuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland.