4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2020
Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo Kismaayo gaaray iyo warar kala duwan oo safarkiisa kasoo baxaya
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Waxaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamze waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubaland.

Madaxda soo dhoweysay ayaa waxaa kamid ah madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan.

Telefashinka Jubaland ayaa in safiirka Qatar uu Kismaayo u tegay inuu xarigga ka jaro mashaariic ay dowladdiisa maal-gelisay,  laakiin waxaa jira warar sheegaya in xukuumadda Doha ay ka shaqeyneyso sidii dowladda Faderaalka ah iyo maamulka Jubaland la isugu soo dhoweyn lahaa .

Dowladda Qatar ayaa waxay xiriir saaxiibtinimo oo aad u dhow la leedahay Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]