4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2020
Taabit Cabdi Maxamed “Waa ayaan-darro in ciidamada ay dilaan shacabkii ay ilaalinayeen”
 

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahna hoggaamiyaha xisbiga Awoodda Shacabka  Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay dilalka mararka qaar ay ciidamada dowladda Soomaaliya u geystaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho.

” Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin” ayuu ku yiri Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed Qoraal uu bartiisa Facebook-ga uu kusoo qoray.

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay dilkii shalay askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu u geystay nin oday ah oo ganacsada ahaa . waxa uuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in arrintaas  ay si dhab ah wax uga qabato, qoyska marxuumkana ay helaan cadaalad rasmi ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan”. ayuu mar kale Taabit Cabdi qoraalkiisa ku yiri.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay sheegay in ay gacanta ku dhigeen askari qof shacab ah ku dilay degmada Xamar Jajab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]