4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha
 

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay talefishinka SNTV, ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha sababo la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in cudurka covid19 uu marayo marxalado kala duwan, isagoo tilmaamay in dowladdu ka fogaanayso in cudurka meelaha uu kasii yaraanayo uu dib ugusoo laabto ama in cudurku gaaro meelo uusan hadda gaarin haddii isku socodka gobolada xayiraada laga qaado.

" Iyadoo laga taxadarayo in cudurka Covid-19 oo maraya marxalado kala duwan waddan ka gudihiisa in dib loogu soo celsho meelo uu ka yaraaday ama la geeyo meelo ilaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha " ayuu yidhi wasiir Oomaar

Wasiirka duulistu ma sheegin goorta la cayimay in dib loo furayo duulimaadyada hawada. Qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in dib loo furo sodonka bishaan.

Xayiraada duulimaadyada gudaha iyo dibada ayaa waxaa ka dhashay saameyn dhaqaale oo aad culus. Waxaa albaabada u laaban xafiisyadii duulimaadyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]