4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2020
Midowga Yurub oo tillaabo muhiim ah ku sheegay Dib-u-soo-nooleynta wada-hadalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland
 

Talaado, Juun 16, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa waa tallaabo muhiim ah oo wanaagsan ku tilmaamay Dib-u-soo-nooleynta wada-hadalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay Jabuuti 14-kii Juun.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in horey loo qaaday geedi socodkii caadiga ahaa ee xiriirkooda, taas oo keenaysa rajo soo cusbooneysiisa oo keliya maaha dadka Soomaaliya iyo Somaliland laakiin geeska Afrika oo dhan.

“Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida si loo heshiiyo khilaafaadka loona horumariyo nabad-dhisidda, barwaaqada iyo horumarka gobolka. Jabuuti iyo Itoobiya waxay door libaax leh ka ciyaareen sidii wadahadalkani u dhici lahaa,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Midowga yurub, oo goobjooge ka ah wadahadalada, Ayaa sheegay inuusan la hari doonin wax dadaal ah oo lagu taageerayo howsha.

Wuxuu sheegay sii wadista wadahadaladaas iyada oo aan la carqaladeyn ayaa ah dariiqa kaliya ee loo heli karo nabad waarta, barwaaqo iyo amni.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]