4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2020
Human Rights watch oo Dowladda Maraykanka ku eedeysay inay xad gudubyo shacab ka geysatay Soomaliya
 

Talaado, Juun 16, 2020 (HOL) -  Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human rights watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Mareykanka ay ku guul daraysteen in ay baaraan weeraro lagu dilay dad shacab ah intii udhexaysay February iyo May.

Hay'ada Human Rights Watch ma helin wax cadeyn ah oo muujinaya bartilmaamed militari oo ka dhan ah kooxda Al-Shabab. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ama dowladda Soomaaliya midna lagama helin in ay la xiriireen xubnaha qoyska si ay u baaraan weerarada ama u qiimeeyaan sheegashadooda ah in wax laga qabto.

“Militariga Mareykanka waa inay hubiyaan in baaritaanada ay ku hayaan dadka rayidka ah lagu diley laguna dhaawacay howlgalada militariga Mareykanka ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa buuxa, eex ah, oo daahfuran,” ayaa lagu yidhi warbixinta hay'adda.

Laetitia Bader, agaasimaha Geeska Afrika ee Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa yidhi. "Milatariga Maraykanka si dhab ah ugama baadhin laba weerar oo cirka ah oo dhawaan ka dhacay gudaha Soomaaliya kaas oo lagu laayay laguna dhaawacay dad rayid ah.

Intii u dhaxeysay Febraayo iyo May, Human Rights Watch waxay khadka taleefanka ku wareysatay 14 qof, oo ay ku jiraan ehelada dadkii lagu dilay weeraradii Febraayo iyo Maarso - oo afar ka mid ah ay goobta booqdeen waxayna qiimeeyeen macluumaadka dadweynaha ee la heli karo ee ku saabsan duqeynta.

Baaritaannadii ay sameysay Human Rights Watch waxaa lagu ogaadey in 7 qof oo rayid ah la dilay 3 kalena la dhaawacay oo aan la helin caddeyn muujineysa inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab. Human Rights Watch ma aysan awoodin inay aqoonsato bartilmaameedyada weeraradan, oo ka dhacay dhulka ay gacanta ku hayso Al-Shabab.

Human Rights Watch waxay sheegtay Fiidnimadii 2-dii Febraayo, duqeymo ka dhacday guri ku yaal Jilib, oo ku taal gobolka Jubbada Dhexe, in ay ku dhimatay haweeney u dhaxaysa 18 iyo 20 jir isla markaana dhaawacday labadeeda gabdhood iyo ayeeydeed. Hay’addu waxay tilmaamtay in Mid ka mid ah gabdhaha, oo ah 14 jir, iyo ayeeyada, qiyaastii ah 70 jir, uu soo gaadhay dhaawacyo culus.

AFRICOM ayaa soo saartay bayaan ay ku qirayaan in ciidamada Mareykanka ay duqeyn maalintaas ka fuliyeen agagaarka Jilib ayna soo wariyeen in mid ka mid ah “argagixisada la dilay. Qiimeynta bilowga ah ee AFRICOM waxay soo gabagabeysey inaysan jirin waxyeelo soo gaartay shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]