4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2020
Beesha caalamka oo soo dhoweysay gogasha uu madaxweyne Farmaajo u fidiyay dowlad goboleedyada
 

Talaado, Juun 16, 2020 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay soo-jeedintii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ ee 14kii Juun ee ku saabsanayd qabsoobidda  shir dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo shir gogol-xaar ah uu si hordhac ah ugu qabsoomi doono khadka internetka [aaladda la iska arko].

Waxay ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay ugu heshiiyaan wadiiqada horay loogu amba-qaadayo arrimaha hortabinta u leh qaranka, oo ay ku jiraan doorashooyinka, si loogu daneeyo dhamaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan boorinaynaa in si dhakho leh loo abaabulo, si dib-u-dhac la’aan ah, kulamadan Khadka internetka lagu qabanayo iyo kuwa u dhacaya sida fool-ka-foolka ah, ee lagu dhaqaaqay manta,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay  dadaalada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxay sidoo kale soo dhaweyneysay baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto Jubaland.

“Waxaan rajaynaynaa in aan marqaati ka noqono horumar dardar-gelin leh oo laga gaaro arrimaha mudnaanta iyo hortabinta u leh qaranka iyadoo loo marayo iskaashi dib loosoo cusbooneysiiyo oo dhexmara Soomaaliya madaxdeeda, waxaana diyaar u nahay in aan taageerno dadaallada lagu horumarinayo siyaasad loo dhanyahay iyo in la ilaaliyo midnimada dalka,” ayaa ugu dambayn lagu yidhi qoraalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]