4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2020
Anisa Haji Muumin oo loo magacabay W/xigeen Gobolka Minnesota
Isniin, Juun 15, 2020 (HOL) Hamse Warfa oo ah  wasiirka kuxigeenka   wasaarada Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ayaa inoo xaqiijey in la magacabay wasiir ku xigeen kale wasaaaradooda,
Tasoo qaabilsanaan doonta  Qaybta  Arimaha Socdaalka iyo Qaxootiga, waxaana xilkaan qabanaya Anisa Haji Muumin oo ka mida dadka dagan gobolka Minnesota.
 
newsinsidAnisa ayaa mar ka ahayd wasiiir ka arimaha haweenka & Qoyska ee Dowlad goboleedka Sooomaaliyeed ee Puntland  , anisa haji muumin waxay kaloo in badan ka shaqaynaysay arimah bulshada ee gobolkaan MN


Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo mawqif cusub oo DEED diirada saareysa ka caawinta dowladda gobolka isu keenida dadka dalkaan ku cusub, iyadoo la shaqayn doonta  loo shaqeeyaha, dowladaha hoose, tabarucayaasha iyo la-hawlgalayaasha kale si loo abuuro bulsho horemar samaysa ayuu yiri Hamsa oo soo dhaweynaya  Anisa.

Maanta, Anisa Hajimumin ayaa ka mid ahaan doonta  kooxda hogaaminta ee DEED iyada oo ah Kaaliyaha Wakiilka Qaxootiga iyo Arimaha Qaxoontiga,  waxuuna Hamsa sheegay inay buuxinayso  baahi muddo dheer ka jirtay Minnesota. Anisa waxay u noqon doontaa khabiirka ugu horreeya ee gobolka ee arrimaha soogalootiga iyo arrimaha qaxootiga ee ka shaqeeya

Siyad Said Salah
Hiiraan Online MN
[email protected]