4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 15, 2020
Madaxweyne Deni: Natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Jabuuti nama qusayso
 


Isniin, Juun 15, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta sheegay in aysan Puntland marnaba raali ka ahaandoonin natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Jabuuti uga socda Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Deni oo la hadlayay barlamaanka Puntland, ayaa tilmaamay Puntland oo ka maqan miiska wada hadalka in ay xaaraan tahay wax kaste oo kasoo baxa wada hadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

"Wadahadal kasta oo Somaliland lala galo oo aanaan qeyb ka ahayn ma aqbalayn annaga ayaa xuduud naga dhaxaysaa" Ayuu yidhi madaxweyne Deni    

Waxaa madaxweynuhu sheegay in uu jiro khilaaf dhuleed oo ka dhexeeya Puntland iyo Somaliland, taasoo u baahan yahay in iyada marka hore xal laga gaaro, si looga fogaado colaad jiitanta.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu fursad siyaasadeed ka dhex raadinayo wada xaajoodka Somaliland uuna ku xad gudbay Puntland iyo shacabka gobolada Sanaag iyo Sool oo uu sheegay inay ahayd in wada xaajoodka laga qeyb galiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]