4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Jubbaland oo jawaab ka bixisay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya
 

Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - Jubbaland ayaa jawaab ka bixisay qoraal maanta kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, oo lagu sheegay in ay dowladdu ogolaatay in madaxweyne Axmed Madoobe muddo labo sano ah uu xilka madaxweynaha Jubbaland si kumeel gaar ah usii hayo, kadibna uu qabto doorasho.

Jubbaland waxay hadalka madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah dastuurka Soomaaliya iyo dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna sheegtay in uusan jirin cid go’aan ka gaari karta masiirka muddo xileedka iyo doorashooyinka Jubbaland.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka Jubbaland.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]