4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
War murtiyeed kasoo baxay shirkii Jabuuti uga socday Soomaaliya iyo Somaliland
 

Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - War murtiyeed kooban ayaa kasoo baxay kulankii hoggaamiyayaasha dowladda federalka Soomaaliya iyo Somaliland ay ku lahaayeen dalka Jabuuti.

Ujeedada kulankaan ayaa ahaa si looga caawiyo labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Somaliland in ay dib ugu bilaabaan wada-hadallada iyo xiriirka labada dhinac.

Qodobada kasoo baxay.

Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen muhiimada ay leedahay doorka Jabuuti ee dhismaha nabada gobolka geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa isla gartay in guddi farsamo oo ka kooban xubnaha labada wufuud ay dib u bilaabi doonaan Wadahadalada u dhexeeya labada dhinac iyo sidoo kale la socoshada arrimaha taagan ee la isku raacay.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inaan la siyaasadeynin kaalmada horumarinta iyo Maalgashiga.

Shirku wuxuu u soo jeediyay Jabuuti inay tahay goobta shirarkan farsamo.

Shirku wuxuu ku baaqayaa dhammaan gobollada, qaaradaha iyo Hay'adaha caalamiga ah inay taageeradooda u keenaan hawshan.







Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]