4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Shirkii Soomaaliya iyo Somaliland oo goor dhow billowday iyo Guddigii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada oo aan qeyb ka aheyn
 


Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - Waxaa dalka Jabuuti iminka si rasmi ah uga bilowday wada-hadallada madaxda Soomaaliya iyo Somaliland,  iyadoo la filayo in labada dhinac ay la yimaadaan Ajendayaal muhiim u ah wada-hadalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qoraal soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay farxad gaar u tahay in dhinacyada Muqdisho iyo Hargeysa isi soo hor fadhiisiyaan,  si loo dhammeeyo khilaafka labada dhinac u dhexeeya.

Wararka HOL ay ka heleyso ilo ku dhow wafdiga Somaliland shirka uga qeyb-galaya ayaa waxay sheegayaan in mid kamid ah qodobada ay doonayaan in loo meel-mariyo uu kamid yahay in dowladda Soomaaliya ay aqbasho heshiiskii DP World ee dekadda Berbera .

Mareykanka iyo Midowga yurub ayaa gadaal ka riixaya in dib loo ammaamudo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland,  iyadoo dhinaca kale Raysul wasaaraha Dr. Abiy Ahmed uu kaga faa'ideysanayo barnaamijkiisa is-dhex-galka gobolka Geeska Afrika.

Bishii February ee sanadkaan ayuu Abiy Ahmed magaalada Adis-Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia ku kulansiiyay madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, waxaana lagu heshiiyay xilligaas in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysul wasaaraha Ethiopia ay tagaan Hargeysa,  laakiin arrintaas ayaa ugu dembeyn shaqeyn waysay.  Iyadoo Biixina uu beeniyay jiritaanka warkaas.

Dhinaca kale,  Guddigii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaan qeyb ka aheyn shirkan,  iyagoo badi xubnahaas ay ku suganyihiin Muqdisho, halka Drs.Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan wada-hadalladan ay qeyb ka tahay wafdiga la socda madaxweyne Biixi.

Lama oga qodobada shirkaan kasoo bixi kara iyo in labadaan dhinac  ay durbaba gaari karaan heshiisyo hor-u-dhac ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]