
newsinsideWaa markii ugu horeysay oo ilmo da’daas jira laga helo cudurka guud ahaan Soomaaliya, arintaas oo ay Puntland u aragtay in cudurka saameeyay carruurta.
12 kamid ah dadka cudurka laga helay waxay ku sugan yihiin Magaalada Garowe Gobolka Nugaal, 2 kalena waxay joogaan magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa hada gaartay 235 qof, waxaa u dhintay 7 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 41 qof.
Puntland ayaa gashay xaalad feejigaan caafimaad oo dheeri ah kadib markii cudurka faafitaankiisu soo labo kacleeyay.
Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa dib u dhigay shirarka ururada siyaasadeedyada Puntland ay bishaan qabsan lahaayeen, waxaana dib loo dhigay muddo bil ah.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]