4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Abiy Ahmed oo Jabuuti ka degay, waxa uuna qeyb ka yahay madaxda ka qeyb-galeysa wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland


Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in Raysul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed uu ka degay goor dhow garoonka Bole International airport ee magaalada Jabuuti,  isagoo ka qeyb-galayo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Itoobiya iyo Mareykanka ayaa gadaal ka riixaya in labadan dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa ay isi-soo hor fadhiistaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Jabuuti ay gaaraan wafuudda labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]