4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Wafuuddii Soomaaliya iyo Somaliland oo Jabuuti u dhoofay iyo waha-dalka labada dhinac oo saakay billaabanaya


Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal , iyagoo ku wajahan magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qeyb-galaan wada-hadallada lagu wado in maanta dalkaasi ay ku yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wafdiga uu hoggaaminayay madaxweyne Muuse Biixi waxaa kamid ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Salebaan Maxamuud Aadan, wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, wasiirka Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliya Dr.Adna Aadan Ismaaciil.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho goor dhow ka duulay wafdigii dhinaca Soomaaliya uga qeyb-gali lahaa wada hadallada waxaana u hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sidoo kale kamid ah Raysul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Jabuuti uu isna saaka gaaro Raysul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo safiirka mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donld Yamamoto oo iyagana ka qeyb-galaya wada-hadalladaasi.

Labada dhinac ayaa miiska soo saari doono ajandeyaal muhiim u ah in wada-hadalkaan oo muddo xayirnaa uu sii socdo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]