4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Hodan Xasan: “Muslimiintu waa dhibbanaha dhabta ah ee weeraradii 9/11”
 

Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) -  Hodan Axmed Xasan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo xubin ka ah golaha baarlamaanka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa sheegtay Muslimiintu inay yihiin dhibbanaha dhabta ah ee weeraradii  9/11.

Wakiilka Aqalka Gobolka Minnesota, Hodan Xasan ayaa barteeda Facebook-ga kusoo qortay hadalkaan iyadoo ugu talo gashay askarta booliiska oo ay ku sifaysay bahalo.

“Taliyaha ciidanka booliiska waxaan ku iri Jooji inaad noola dhaqanto sida xayawaanka iyo tuugada, oo bilow inaad noola dhaqanto si xushmad leh", ayay ku tidhi.

Hodan Xasan, oo Maraykanka qaxooti ku gashay sanadkii 1999, ayaa bishii november 2018 loo doortay Golaha Wakiilada ee Gobolka Minnesota gaar ahaan degmadda 62A. Waxaana xilkeeda loo dhaariyay bishii Janaayo 2019.

Waxay mar kale u tartamaysaa doorashada golaha Wakiilada Minnesota si ay u matasho Degmadda 62A. Waa murashaxa kaliya ee ku tartamaya doorashada Primary Democratic. Waxay la tartamidoontaa murashaxa kaliya ee Republican Arjun Kataria marka la gaaro doorashada guud ee Nofeembar 2020.

Dalka Mareykanku wuxuu noqday mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay ku hirtaan dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed, laakiin kuma ekaanin deegaan kaliya ee xitaa waxay saameyn xoog leh ku yeesheen siyaasadda dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]