4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Guddoomiyaha aqalka sare oo magacaabay guddiga isku keenida madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka shaqeyndoona sidii ay iskugu keeni lahaayeen madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay isagoo xeerinaya awoodaha dastuuriga ee aqalka sare uu leeyahay, inuu guddigaan u magacaabay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan, kahor inta uusan dhammaan muddo xilleedka hay’addaha dastuuriga ee uu kamidka yahay.

Dhawaan ayay ahayd markii aqalka sare uu ku baaqay in la qabto 25- bisha june shir degdeg ah oo lagu wada hadal siinayo dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, si heshiis looga gaaro arimaha doorashooyinka soo socda.

Halkaan wareegtada kasoo baxday  aqalka sare.





Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]