4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Dad ku dhaawacmay isku dhac Hargeysa ku dhex-maray ciidamada booliska Somaliland iyo dad shacab ah
 

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) -  Laba ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada booliska Somaliland ku rideen dad rayid ah, sida HOL ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Hargeysa.

Ciidamada ayaa rasaastan riday kadib markii uu dhex-maray iyaga iyo shacabka is-fahmi waa' la xariira muran ka dhashay kadib markii qoysaska deggan agagaarka buurta kala jeexan ee Hargeysa iyo qoyska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Warka laga helayo Hargeysa ayaa intaa ku daraya in labada ruux ee dhaawacmay oo ah lab iyo dhedig la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada.

Illaa iyo hadda ma jiraan war kasoo baxay maamulka Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]