4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Maamulka degmada Beledweyne oo tafaasiil ka bixiyay cidda joojisay dibad baxii lagu taageeri rabay Madaxweyne Farmaajo
 

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) - Maamulka degmada Beledweyne ayaa tafaasiil ka bixiyay sababaha bannaabax lagu qaban rabay magaaladaasi loo joojiyay,  dibad-baxaa oo lagu taageeri  rabay madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Dhicisow Dhuubow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in amarkaas uu kasoo baxay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

"Cid isku daydo in ay qabato dibad-bax waxaan ka qaadeynaa tallaabo,  sharciga waafaqsan " ayuu Guddoomiye Dhicisow u sheegay Warbaahinta.

Dhowaan ayey aheyd markii magaalada Beledweyne laga joojiyay dibad bax la doonayay in lagu taageero hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamanka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]