4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2020
Dowladda Soomaaliya oo maanta diiwaan galisay 61 kiis oo Covid19 ah
 

Khamiis, Juun 11, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 61 kiis oo cusub oo ah 'Covid-19' 24kii saacadood ee la soo dhaafay. Tani waxay tirada guud ka dhigaysaa 2,513 kiis.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abikar Nuur ayaa shaacisay in 25 ka mid ah kiisaskan laga helay Somaliland, halka 13 laga helay gobolka Banaadir, 8 Galmudug, 5 Puntland iyo labo Jubbaland.

Soddon iyo afar ka mid ah kiisaska cusub waxay yihiin lab ah halka 27 ay dumar yihiin.

Waiirka caafimaadka waxay sheegtay in ay 26 qof ka bogsadeen cudurka. Halka ay sheegtay in aysan jirin wax dhimasho ah.

Tirada guud ee soo kabashada ka dhigeysa 532 qof, halka dhimashada guud ay gaartay 85 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]