4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2020
Dabley hubaysan oo Muqdisho ku dilay darawal mooto bajaajle ah
 

Khamiis, Juun 11, 2020 (HOL) - Dabley hubaysan ayaa wiil dhalinyaro oo mooto bajaaj leh ku dilay degmada Dharkanley ee gobolka Banaadir, waxaana dilkaan uu qeyb ka yahay dilal taxane oo si macno darro loogu geysanayo dhalinyarada ku shaqeysta gaadiidkaas.

Booliiska degmada Dharkanley ayaa sheegay dilka wiilkaan inay ka dambeeyeen afar nin oo hubaysanaa, waxaana ay sheegeen inay gacanta ku hayaan labo kamid ah dambiilayaasha, sida ay sheegeen qoyska marxuumka.

Xasan oo ahaa Aabe leh xaas iyo labo carruur ah ayaa si nabad ah gurigiisa uga baxay shalay galinkii dambe, waxaana goor dambe qoyskiisa lagusoo wargaliyay inuu maydkiisa yaalo saldhiga Dharkayn.

Qofkii ugu dambeeyay ee xidhiidh la sameeya waxay ahayd xaaskiisa, oo u sheegaysay in marka uu kusoo laabanayo guriga uu horey ugusoo qaado alaab ay u dirsatay.

Hooyada dhashay oo lagu magacaabao Khadiijo ayaa saxaafada u sheegtay in wiilkeeda ay dileen rag hubaysan oo ka kiraystay mootada. Waxay tilmaamtay markii ay dileen inay mootadii goobta kala baxsadeen.

Waxay sheegtay inuu wiilkeedu ahaa qofka kaliya ee reerka ka masruufi jiray Mootada uu ku shaqeysto, waxay xustay inuu ahaa garab weyn oo ay ku tiirsanaayeen qoysku.

Waxay hooyadu u cabatay dowladda Soomaaliya, iyadoo ka codsatay in cadaaladda loo horkeeno kuwii wiilkeeda dilay.

Saddexdii sano ee ugu dambeysay darawaliin badan oo ka shaqeeya mooto bajaajta ayaa naftooda ku waayay dilal u kalac ah oo ay u geysteen dad u badan askarta ciiddanka dowladda, qaar kalena waxay naftooda ku waayeen qaraxyada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online