4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2020
Mareykanka oo taageeray go'aankii Aqalka sare ee Soomaaliya
 

Arbaco, Juun 10, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu taageeray hadalkii dhowaan kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ee ahaa in kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaaladda dalka iyo kala guurka siyaasadeed.

Mareykanka ayaa madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto kulan madaxda maamul gobileedyada dalka ay qeyb ka yihiin.

"Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxda dowladda iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ay kulmaan ugu yaraan hal  mar sanadkii " ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay Mareykanka.

Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ayaa soo dhoweeyay hadalka kasoo baxay Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,  balse ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay dowladda oo ku aaddan baaqaan Mareykanka uusoo jeediyay iyo hadalkii uu soo saaray Aqalka sare ee ila arrintaan la xiriiray.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]