
newsinsideWarbixinta Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, ciidamada AMISOM oo la dagaallamayay argagixisada in nasiib darro qaar ka mid ah dadka rayidka ah ay kasoo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa ku dhintay is-rasaaseynta halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo hadda ay daryeel caafimaad ka helayaan isbitaalka AMISOM. Waxaan jeclaan lahayn inaan tacsi u jeedinno ehelladii marxuumiintaa waxaan u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay si dhaqso leh usoo kabtaan,’ ayaa lagu yidhi bayaanka Midowga Afrika.
Midowga Afrika Wuxuu ballanqaaday in AMISOM ay xoojin doonto amniga si ay u xaqiijiso xoojinta ilaalinta dadka rayidka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]