4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2020
Hirshabeelle oo soo dhoweysay warkii shalay kasoo baxay Aqalka sare
 

Arbaco, Juun 10, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo ka kooban afar qodob oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagusoo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya kaas oo ku aaddanaa in ay isi-soo hor fadhiistaan madaxweynayaasha  Maamul Goboledyada dalka iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warqaddaan oo kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu soo dhoweynayo go’aanka aqalka sare maadaama sida waddamada Fadaraalka ah ee dunida uu uu matalo maamullada waddanka ka jiro.

Sidoo kale warqadda kasoo baxday Hirshabeelle ayaa waxaa lagu qoray Soomaali iyo English, iyadoo dhinaca kale lagu qeexay In sidoo kale Hirshabeelle ay soo dhoweyneyso baaqa Beesha Caalamka ee ku wajahan in hab xasilloon oo is oggol ah loo waajaho xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

Hirshabeelle waxay kamid tahay maamullada xiriirka dhow la leh dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo hadda uu muddo xileedkiisa ka harsanyahay dhowr bilood oo keliya.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]