4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2020
Jubbaland oo taageertay shirka wadatashiga qaran ee uu ku baaqay Aqalka Sare



Arbaco, Juun 10, 2020 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa looga hadlayay shirar wadatashi ah oo ay qadka internetka ku yeesheen guddiyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo loo xilsaaray arrimaha shirweeynaha wadatashiga, kulamadaa oo ay sheegeen in ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan.

Dhinaca kale, waxay ay soo dhaweeyeen baaqii aqalka sare ee shirweeynaha wadatashiga iyo hadalkii raysul wasaaraha ee ahaa in ay dalka ka dhici doonto doorasho la wada ogolyahay.



Hiiraan Online News Desk,