4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo shatigii kala noqotay labo diyaaradood oo si qarsoodi ah Qaad ku keenay Soomaaliya
 

Isniin, June 1, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay shatigii kala noqotay labo diyaaraddood oo ka diiwaan gashan dalka Kenya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay shixnado Qaad ah geeyeen meelo kamid ah Soomaaliya.

Labadaan diyaaraddood oo lagu kala magacaabo Buff AIR SERVICES iyo Silverstone Air Services ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen xayiraadii saarnayd duulimaadyada caalamiga ah Covdi19 awgiis.

Labadaan diyaaradood ayaa ka kala degay Buuhoodle iyo Jowhar iyagoo dowladda Soomaaliya u sheegay inay sidaan gargaar Dawo ah, balse markii halkaas gaareen waxay la ogaaday inay sideen shixnad Qaad ah.

Shirkaddaha ay katirsan yihiin labada diyaaraddood weli kama hadlin kala noqoshada shatigii ay kaga howlgalayeen Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]