4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2020
Xanuun seddex kun oo Geel ah ku dilay Sool iyo maamulka gobolkaas oo ka hadlay
 

Isniin, June 1, 2020 (HOL) - Qaar ka mid degaanada gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xanuun aanay horey u arag uu ku jiifsaday dadka reer guuraaga ah kaas oo laayey xoolo badan siiba geela.

Gudoomiyaha degmada Xudun Hagar Cali ayaa Hiiraan Online u sheegay in xanuun warjeefaya Geela uu degaanka ku habsaday, kaas oo sheegay in illaa hada aanay jirin wax xal ah oo loo helay kaas oo todobaadyadii la soo dhaafay si aad ah u soo kordhaayey.

"Xanuunkan waa mid nagu cusub, waxa uu laynayaa hasha dhashay iyo awrta waaweyn" sidaa waxa yidhi Maxamed Jaamac Mahad oo ka mid ah aqoonyahanka degmada Xuddun, waxaanu intaa ku daray in hadii aan xal loo helin ay noqon doonto aafo.

Dhinaca kale Isuduwaha xanaanada Xoolaha Gobolka Sool Cabdirashiid Maxamed Bootaan Ligan ayaa HOL u sheegay in ay ka warhayaan xanuunkan "in ka badan 3000 oo neef ayuu ku diley waqooyiga degmada Laascaanood waxana uu ku dhacayaa xoolaha aan la daweyn" ayuu yidhi Ligan isagoo intaas raaciyey in xanuunkani yahay mid la garanayo balse waxa uu xusay in dadku aanay xoolaha daweyn.

Walaaca soo foodsaaray dad xoolo raacatada ah ee haatan ku habsaday ayaa badanaa ah midka ugu hadal haynta badan iyadoo la arkayo gaadiid sida xoolo la gawracay oo badanaa lagu wado suuqa hiliblaha.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood