4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2020
Mid kamid ah axsaabta siyaasadda dalka oo Maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah sharciga doorashada
 

Isniin, June 1, 2020 (HOL) - Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya,  sidoo kalana ah hogaamiyaha Xisbiga NDP ayaa waxay maanta sheegtay in ay u gudbisay maxkamadda sare ee qaranka dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan ay meel-mariyeen xildhibaannada labada aqal,  madaxweynahuna uu saxiixay.

Waxay sidoo kale sheegtay xildhibaan Fowsiya in aysan la dhacsaneyn hannaanka sharciga doorashooyinka loo dhigay,  taas oo ay qeexday in uu ula muuqdo mid aan cadaalad siman siineyn muwaadiniinta.

"Annaga waxaan u baahannahay in muwaadiniinta dalka ay u sinnaadaan,  sidoo kalana laga gudbo 4.5 " ayeey u sheegtay warbaahinta Muqdisho xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaanaddu waxay intaa ku dartay in dacwada ay kala shaqeeyeen abuukaatayaal si fiican ula diyaariyay,  waxayna gudbinta dacwadaan Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay kusoo aadeysaa xilli Soomaaliya  dhowaan ay isku diyaarineyso doorashadii Baarlamanka iyo tan Madaxweynaha.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]