4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2020
Wafuud maanta gaareysa Dhuusamareeb iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay
 

Arbaco, July 8, 2020 (HOL) - Wafuud ka socda maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa iney maanta gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Waxayna hor-u-dhac u yihiin madaxda maamul Goboleedyada ee dhowaan ku shiri doona halkaas.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay,  iyadoo ciidamo badan la dhigay baro cayiman oo lagala soconaya ammaanka.

Shirka madaxda maamul Goboleedyada ay ku yeelanayaan Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay mid geed xaar ah shirkii dhowaan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaana la filayaa in illaa iyo barri ay  halkaasi gaaraan guud ahaan madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]