4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Aqalka sare oo soo jeediyay in matalaada gobolka Banaaadir la waafajiyo dastuurka
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in sharciyada matalaada gobolka Banaadir ay u baahan yahay in loo dhameystiro habraaca dastuuriga ah, iyada oo la isla akhrinayo qodobka 9aad ee Dastuurka KMG iyo 12aad (6) ee sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal.

Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi oo soo saaray bayaan dheer uu ku difaacayo kaalinta dastuuriga ah ee aqalka sare, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay dhammaan xeerarkii dhameystirka u ahaa sharciga doorashooyinka Qaranka ee barlamaanku meel mariyay, haddii aan la waafajinin habraaca uu dastuurku tilmaamayo.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka aqalka sare.






Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]