4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Madaxweynaha dalka Brasiil oo laga helay cudurka COVID-19

 

Talaado, July 07, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Brasiil Jair Bolsonaro ayaa si toos ah  (live) telefishinka dalkaas ka sheegay in laga helay cudurka Coronavirus.

Madaxweyne Bolsonaro oo 65 jir ayaa si xoogan uga soo horjeeday xakameynta cudurka Coronavirus isaga oo diiday in uu xirto mask, dadkana ku dhiiri-galiyey in aysan xiran sidoo kale dhaliilay dadka buun-buuniya cudurka COVID-19 .

Dalka Barasiil ay ah dalka labaad ee aduunka ugu badan dadka qaba cudurka COVID-19 oo ay u geeriyoodeen dad gaarya 65,000 oo qofood, waxaana laga helay cudurka Coronavirus dad ka badan hal million iyo bar (1.5 million).

Inta aan laga baarin cudurka COVID-19, Madaxweyne Bolsonaro ayaa guriga danjiraha Mareykanka ee Brazil, Todd Chapman kula qadeeyey caasimada dalka Brasiil ee Brasília.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]