4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Muqdisho: Shaqaalaha Dowladda oo dib ugu laabanaya Goobaha shaqada

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go'aan lagu farayo shaqaalaha dowladda inay ku soo laabtay xafiisyada,ka dib markii bilowgii sannadkan la dhimay shaqaalaha ka howlgallaya xafiisyada si looga hortagga caabuqa Covid-19.

"Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka duuleysa dib u eegidda lagu sameeyay xannibaadaha jira ee lagula tacaalayo faafidda cudurka COVID-19, isla markaana tixraacaysa go'aankii golaha wasiirrada ee Khamiis 2 Luulyo ee ku saabsanaa sidii si taxadar leh dib loogu soo laaban lahaa goobaha shaqada,  ayaa waxaa la farayaa shaqaalaha dowladda iney dib uga soo howl galaan goobahooda shaqada laga billaabo 08 Luulyo 2020." ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shaqaalaha da'da ah iyo kuwa xaaladda caafimaad darro dareemaya ayaa ku sii shaqeyn doono guryaha, sida ku cad qoraalka.

Dowladda ayaa dhintay shaqaalaha inay tagaan xafiisyada, si looga hortaggo fayruska in la is qaadsiiyo, waxaana hadda guud ahaan dalka laga soo sheegaya inuu is dhin ku yimid kiisaska la xiriira Covid-19.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]