4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
Ganacsatada Qaadka Kenya oo madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu Soomaaliya kala hadlo in Qaadka laga qaado xayiraada
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Beeraleyda Qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay ku jiraan waqtiyo adag oo dhaqaale xumo oo kasoo wajahay kadib markii dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyada xamuulka ee ka yimaada Kenya.

Ganacstada Beeralayda Qaadka ee gobolka Meru, ayaa madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu la xiriiro dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo si dib loogu bilaabo duulimaadyada Qaadka.

“Beeraley badan ayaan cunay kaydkooda maxaa yeelay ma haysano meel aan ku iibin karno Qaadka Miraa. Xaaladda ayaa kacsan Madaxweynahana waa inuu ku dhaqaaqaa xawaare si dib loogu furo dhaqaalaha oo uu ula hawl galo deriskeenna oggolaanshaha duulimaadyada xamuulka, ”ayuu yiri Mr Lichoro.

Ms Felicity Makena, oo ah Beeraley ka ganacsada Qaadka, ayaa sheegtay in xiritaanka maamulka hawadda Soomaaliya ay saameyn xun ku yeelatay dhaqaalaha meelaha soo koraya.

“Waxaan ku amaaneynaa Madaxweynaheena sharciga uu u aqoonsaday miraa inuu yahay dalag lacageed. Miraa waa isha koowaad ee dakhliga Kabuitu laakiin suuq la'aan awgeed, waynu xanuunsan doonnaa. Madaxweynaha waa inuu si xawli ah ku socdaa si xaaladda loo badbaadiyo, ayay tiri Ms Makena.

Sida laga soo xigtay Ururka Ganacsatada Nyambene Miraa, Soomaaliya waxay qaadataa ilaa 50 tan oo miraa maalin kasta oo lagu qiimeeyo Sh100 milyan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]