4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2020
Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay duleedka Balcad
 

Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Sida Warbaahinta maxalliga ah ee gudaha caasimadda Soomaaliya ka shaqeysa ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa maanta inta u dhexeysa deegaankaas iyo degmada Balcad ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab .

Warka waxa uu intaa ku darayaa in dagaalku uu yimid kadib markii maleeshiyo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay jidka u galeen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo halkaasi marayay.

Waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare , balse si rasmi ah looma xaqiijin karo dhibaatada kala gaartay labada dhinac.

Baraha wararka ee taageera Al-shabaab ayaa waxaa lagu qoray iney dagaalkaasi ku gubeen gaari booyad ah oo ciidamada AMISOM, gaar ahaa kuwa Burundi u sidday shidaal .

Ma jiraan illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexeba oo ku saabsan dagaalkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]