4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2020
Somaliland oo shaacisay in 6 ajnabi ah laga helay cudurka Cobivid19
 

Isniin, July 6, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa diiwaan gelisay 10 xaaladood oo COVID19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida uu sheegay guddiga xakamaynta cudurka.  

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka ayaa hadda gaartay ilaa 765 iyadoo ay dhinteen 29 halka 518 ay soo kabsadeen.

6 ka mid ah dadka uu asiibay cudurka ayaa lagu sheegay inay yihiin ajaaniib.

Somaliland ayaa dhawaan qaaday xayiraadii lagu xakamaynayay faafitaanka cudurka, iyadoo sheegtay in qatarta cudurka aanu ahayn sidii laga filayay.

Sidoo kale, waxaa hoos u dhacay tiradii maalin walba la diiwaan galin jiray.

Soomaaliya ayaa cudurka guud ahaan wuxuu marayaa 2,997 xaaladdood, 1,014 soo kabasho ah iyo 92 dhimasho sida ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]