4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Al-shabaab oo sheegtay iney dileen xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle oo saaka lagu qafaashay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar
 


Axad, July 5, 2020 (HOL) - Sida ay baahiyeen baraha wararka ee dhinaca Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in kooxdaasi ay qafaasheen islamarkaana ay dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamanka Hirshabeelle.

Al-shabaab ayaa sheegay in howl-galka xildhibaanka ay dileen  sii diyaariyeen kadib markii ay xogta heleen.

Dilka ayaa waxay tilmaameen inuu ka dhacay duleedka magaalada Balcad ee Gobolka  Shabeellada dhexe.

Xildhibaanka la dilay ayaa gaari nooca raaxada ah kasoo raacay Jowhar,  waxa uuna kusoo socday magaalada Muqdisho.  Ma jiraan illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo dhacdadaan la xiriira.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]